Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Qaban Qaabo Lagudooranyo Gudoomiya Gobolka Gedo oo Garbahaarey Kasoconeysa
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:21
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 26 2008
Qaban Qaabo Lagudooranyo Gudoomiya Gobolka Gedo oo Garbahaarey Kasoconeysa
Written by Ali Moallim   
Saturday, 26 April 2008

Gedo,(insidesomalia.org)-Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa haatan waxaa ka soconaya qaban qaabo balaaran iyo diyaar garoowgii ugu dambeeyey oo loogu diyaargaroowayo Tartanka doorshada Xilka Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo ku xigeenadiisa oo si rasmi ah loogu dhawaaqay in Magaalada Garbahaarey ay ka dhacdo Maalinta Axada ah oo taariikhduna ay ku beegan tahay April 27, 2008.

Shaley galab ilaa xaleyna waxaa Magaalada Garbahaarey soo gaarey ilaa lix Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kana soo jeeda Gobolkan Gedo, kuwaasi oo ka soo kicitamay Magaalada Baydhabo, Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ka mid ah Xasan deer, Cabdirixmaan Indho buur, Ardooy, Xuseen Cadaawe, Bulo Xisbiyo iyo Ibraahin Ceymoy.

Sidoo kale, Wasiiro iyo Xildhibaano kale ayaa lagu wadaa in Malinta Doorshada ay ka soo kicitimaan dhinaca Magaalada Muqdisho, si ay goob joog ugu ahaadaan tartanka Doorshada Gobolka Gedo.

Xubnaha u sharaxan xilka Madaxtinimada Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ka mid ah Aden Ibraahin Aw-Xrsi, Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil iyo Jamaal Xasan Sarey, inkastoo Seddexdan Mas'uul dhexdooda ayan ka muuqan wax isu tanaasul ah ayaa mid weliba waxuu muujinayaa kalsooni uu ku qabo in jagadaasi uu ku guulaysan doono.

Goobaha dadku ay isugu yimaadaan ee Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey hadal haynta ku saabsan cida ku guulaysan doonto jagadaasi, inkastoo dadku qaar ay ka bixinayaan saadaal, balse waxa la ogaan doonaa natiijada ka soo bixi doonta 27 bishan oo lagu wado in maalintaasi ay qabsoonto tartanka doorashada Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Ku xigeenadiisa.


Maxamed Cumar Saalixi





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >